Soomaaliya oo kaalinta 7aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta.

Waxaan soo dhoweynayaa kaalinta dalkeenu ka galay sahanka lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (mobile data) ee shirkadaha adduunka, taas oo muujineysa in dalkeenu uu ka mid yahay 10ka dal adduunka oo dhan iyo dalka 1aad ee qaaradda Afrika ee ugu qiimo jaban mobile internet. Warbixinta ay soo saartay Cable.co.uk ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134aad ee adduunka ama kaalinta 37aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay. Arrintani waxay muujineysaa in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada. Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami. Isbeddelkan ayaa xaqiijiyay inay taabba-gal noqdeen dadaalladii kala duwanaa ee ay xukuumaddu sameysay 3dii sano ee ugu dambeysay ee ku saabsanaa in la nidaamiyo suuqa, lana dhiirri-geliyo tartanka xorta ah. Xilligan la joogo isgaarsiinta Soomaaliya waxay leedahay sharci iyo siyaasad lagu hago, waxaana gabagabo maraya barmaamijyo ballaaran oo nidaaminaya rukhsadaha, hirarka, lambarrada iyo isku-xirka shirkadaha.

Waxaa qorey: Mohamed ibrahim mohamed                                        (gedjecel).

3 comments:

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel