Beerashada iyo dhaqaaleynta xoolaha soomaaliya

"CILMIGA BEERAHA"



Soomaalidu waxay beeraha u taqaannaa dhulka lagu beerto dalagyada loogu tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha.
Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.
Beeraha Somaliya ugu wax soo saarka badanni waxay dhacaan dhul beeraadka ku yaal labada wabi ee Shabeelle iyo Jubba.

Tusale ahaan
Baardheere ,gaaguure,Salagle,Sakoow ,Bu’aale ilaa dhaaytubaako ayaa berashada beraha caanka ku ah waxey intooda badan tabcadaan , galeeyda,mortheyda, simsimta, digirta, iwm.
Waxsoo saarkan baxada weyn ayaa wexey dhacaan koonfurta Soomaaliya sida Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Gedo,Bay, Bakool, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Waxaa kaloo jira gobolka Hiiraan oo asagana ku yaala bartamaha soomaliya in dadka badankooda ay wax soo saarkooda uu ku tiirsanyahay beeraha.

Dalagyada aad loo Beero
Dalagyada aad loo beerto guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah: galeyda,mordida moos, liin, cambe, babaay, qare, basal, sisin, digir, bocor ,tubaako, barbarooni, dabacaseeye, baradho (gobolka Bay), tuun, saytuun iyo mirro kale.
Dalagyada intaaan ka aheyn dhowr dalag sida liinta iyo cambaha, waxay beeraha badiyaa ku baxaan 3 bilood, ugu badanaan 5 bilood.
Geedaha cambaha waxay ku mirro dhalaan mudo ugu yaraan 5 -6 sano ah.
Liinta waa la mid. Geedka cambaha labo dhinac ayuu ka mirro dhalaa; dhan xili dhanka kalane xiliga xiga.

Nidaamka layirahdo {Qodaal Masno}

Qodaal masno oo ah wax ku cusub beeralayda Soomaaliyeed ayaa ah habka midaynta dalaga iyo xoolaha nool. wadamada caalamka intooda badan ee leh dhulbeeraad isla markaane xoolo dhaqdo, beeralaydooda ayeey mideeyaan falashada beeraha iyo xanaaneynta xoolaha nool sida lo’da iyo digaag oo sahal u ah in lagu xanaaneeyo beerta dhexdeeda ama agteeda {small scale farmers}.
Hilib iyo caano ayaa loo xanaanayn karaa xoolaha sidaas oo kale lagu dhafo beerta. Badanaa lo’da dhul biyo badan kama maaranto sidaas darteedna ay sahal u noqon karto maaraynta beer iyo tiro lo’ ah.

Mashaariicdii Horumarinta Beeraha
Dowladii Kacaanka oo adeegsanaysay wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo wakaaladaheedii, waxay dadaal farabadan galisay kobcinta waxsoosaarka wadanka. Waxaa la hormariyay beerihii ku yiilay dhulbeeereedka wadanka ee ku yaal wabiyaa laga soo bilaabo Juba ilaa shbele ee konfurta Somali,
Mashaariicda dowlada ay ansixisay waxay iskugu jireen kuwo cilmiga beeraha kor u qaadayo iyo fidinta beeraha iyo badinta dalagyada ku saabsana beraha,

Waxaa Qorey✍ MOHAMED IBRAHIM MOHAMED (GEDJECEL).gedjecel.blogspot.com

No comments:

Post a Comment

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel