Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

 


Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia.



INTRODUCTION(Hordhac)

 

What is ChaTgpt?  Waa maxay ChaTGpt?

ChaTgpt waa barnaamij ku shaqeeya qaab artificial  intelligence ama AI waxaanu kuula sheekaysanayaa sidii qof caadi ah, waxkasta oo aad waydiisona wuu kaaga jawaabayaa waliba sikino wax ka yar.

 

Waa barnaamij ku shaqaynaya mashiino casri ah kuwaaas kuu sahlaya marka aad wax waydiiso inay kuugu jawaabaan qaab fudud iyo waliba jawaab aad u qurux badan aad na u kooban, dhab ahaantiina arday badan ayuu caawiyay barnaamijkan chatgpt,

ChaTgpt waxa uu soo baxay dhmaadkii novermeber waxaanu uu hawada ku jiraa mudo ka yar laba bilood amaba laba bid waana barnaamij ay aad uga cabaadeen shirkadaha iyo eng-neerada qaar, waxaanu is duwaan galiyay in ka badan 10milion oo qof mudadaas yar.

waxaa samaysay oo asaaskiisa hore iska leh shirkada Open AI, kuwaas oo iska leh barnaamijyo dhawr ah kuwaas oo ku shaqeeya mishiino casri ah si dag dag ahna kuu caawinaya.

Hadaba barnaamijkan gabi ahaan kama shaqaynayo Ethiopia iyo Somalia sidoo kale badiba wadamada Africa kama shaqaynayo oo looguma talo galin.

Sidaas oy tahay waxaa jira qaab aad u fudud oo aad ku isticmaali karto adiga oo jooga wadamada aanu ka shaqaynayn.

 

Step One : Wadada kowaad ee aad qaadaysaa waxa weeye:

Marka 1aad inaad soo dajisato application ka Pishion ama VPN, intaas kadib waxa aad samaynaysaa laba qaab si aynu u kala saarno dadka isticmaalaya mobile ka iyo kuwa isticmaalaya iyo kuwa isticmaalaya laptop ka,

Laptop: chrome ka soo furo kadib waxa ad ku qorta VPN intaas kadib soo dajiso, kadib waxa aad samanaysaa khaanadaa ubaxa ah soo furo, kaidb unpin kaidb sidaas ayuu kuugu xidhiidh samay.


 

 

 

 

 

 

 




Hadaba intaas kadib si aad u xidhiidhisid waa inaad taabataa calaamadaas sawirka ka muuqata kadib taabo free VPN for chrome, halkaas ku dhufo meesha buluuga ah ee kuu soo baxday waxaad ka doorataa marakaynk(USA) kadib waxa aad ka sii doorataa Verginia halkaas kaga xidhiidhso laptop kaaga. Eeg sawirkan markaad xidhidhinaysidna waxa aad tabataa meesha O-da ah ee cad. Hlakaas ku dhufo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mobile:  waa fududyahay moobilku ugu horeyn waxa aad tagtaa playstore ka ama appstore ka kadib waxa aad ku qortaa VPN kaidb la soo dag oo ku xidhiidhso mobilkaaga.

 

Step Two: chrome ka waxaa ad ku qor chatgpt?

 

 

Kadib waxa aad doorataa ciwaankan, kadib waxa aad ka Chat-in halka ay ku qoranatahay dabadeed halkaas ka samayso account cusub oo chatgpt ah adiga oo taabanaya sing in. Hadaba ahdii aad joogto wadamada yurub ama ameerika wuu ku aqbalaya laakin hadii aadan joogin oo aad Africa wadmada qaar aad joogtid kuma aqbali doono. Sidaas awgee si uu kuu aqbalo waa inaad samaysaa qodobada goos ku xusan:

·         Marka hore chrome ka ufuro oo ku qor chatgpt iyada oo mobile kaaga uu kuugu xidhiidhsanyahay application-ka chatgpt.

·         Marka xiga chatin taabo hadana SIGN IN taabo kadib email ku marka uu kuu soo baxxo ha galin email kaaga ee waxa aad galinaysaa email kale oo wadmada dibada laga leeyahay/

Hadaba side lagu helaa email kaas ?

Khaanad cusub soo  furo chronme ka kadib waxa aad ku qortaa email tempo, kaidb  

Temp Mail - Disposable Temporary Email

kadib gudaha marka aad u gasho soo koobiyee emailk ay kunsiiyaan, intaas kadib ku noqo halkeeni hore ee aad emailka galinaysay, kadib halkaas ku copy garee link emailkii lagu soo siiyay, paword cusub oo adag samayso, kadib log in dheh.

Markaas kadib waxa uu ku waydiinayaa verivicatio code. Hadaba si aan u helno code ka waxaa d ku noqoqtaa khaanadii aad ka soo koobiyaysay email ka halkas ka soo qaado code, oo ku soo koobiyee khaanadaada.

Intaas kadib waxa uu ku waydiinayaa phone number kaaga?

Hadaba maadaama number radeena aan la ogolayn waxa aan samaynaynaa mar kale sidii hore ee aynu email ka ku soo helnayoo kale.

Waxa aad soo furataa page cusub oo chrome ka ah kadib waxa aad ku qortaa phone number temporary kadib khaanada u sareysa dooro. Kadib numberada badan ee kuu soo baxay dooro mid kamid ah, kadib soo koobiyayso, kadib ku noqo khaanadaaadii hore kuna paste garee number ka ad soo qaadatay,

Hadaba marka hlkaaas layslamarayo waxaa jira wuu diidaa badanaa waayo number rada aynu isticmaalayno waa kuwo ay dad kale iska leeyihiin sidaas awgeed wuu ku diidi doonaa, laakiin haka quusabe ku celceli ugu dambayn marka uu ku aqbalona waxa aad samaysa cide ka ayuu ku waydiin doona,

Hadaba halkeed code kii u doonaysaa?

Waxa aad u doonaysaa code: ku noqo halkii aad ka soo koobiyaysay number kaidb referesh dheh ka dib halkaas ka soo qaado code ka uu kuu soo dhigo.ugu dambayna halkaagi hore ku noqo kuna paste garee code aad wadatid.

Kadib waxa uu ku soo saari doona khaanado badan oo cusubm khanadaas waa xaayasiis waxaad na taaban doonta nexthadan next. Ugu dambayn waxa uu ku keeni doonaa halka su’aalaha lagu qoarayo. Intaas kadib waad guulaysata. HAMBALYO . . . .

 

FG: Hadaba hadii ay wax kugu adkaadaan fadlan coment ga noogu soo qor adoo isticmaalaya email kaaga, waad mahadsantahay aqriste.


Mohamed Ibrahim

Mahadsanidiin

AGRICULTURE AND FOOD SECURITY IN SOMALIA

 Written by: Mohamed Ibrahim Mohamed(gedjecel)


Mohamed Ibrahim | Bachelor Graduate fellow

Agricultural Extension Officer

The University of Nairobi -(IGAD) - ISTVS 

Somalia: +252 616013115| +252636663221

Published on 1/30/2022

agriculture productivity and quality increased

Local people working to increase crop production and improve the quality of agricultural products

Resilience to drought is essential as Somalia is located in a drought-prone environment and has suffered from some of the worst famines in recent history. Unfortunately, farming practices tend to be constrained by skill level, a lack of government extension services, few protected storage facilities, and poor roads. To improve profits and local sales, Some Organizations train farmers and local agribusinesses in crop production and quality control. Demonstration farms are set up so that farmers can test local seed varieties in tomatoes, onions, sweet and hot peppers, lettuce, cabbage, garlic, and watermelon and learn better farming techniques. This has led to increased yields and a greater variety of products for the local market, enhancing food security.

Somali exports of agriculture, fish, and non-pastoral livestock products; reduces reliance on inputs; and increases job opportunities in regions recovering from years of conflict and recent natural disasters. It provides technical advice to non-pastoral livestock owners and institutions to improve the quality of their animals, which enables higher selling prices. 

Crop production performance and its potential is determined by the bi-modal rainfall.  The two main agricultural seasons are Gucrop production,  from April to June, and Deyr crop production is from October to December.

Two areas are considered the high potential for crop production with rainfall ranging from 400mm to 600mm: a small area in the Northwest (west of Hargeisa) and a much larger inter-riverine area between the Shabelle and Juba river valleys.

There are four primary agricultural zones in Somalia:

  1. Northwest in parts of Awdal and W. Galbeed - rainfed maize and sorghum with some livestock herdings
  2. Coastal Cowpea Belt Zone in Central and Southern Somalia
  3. Shabelle and Juba Riverine Valleys - rainfed and irrigated maize, with sesame cash crops
  4. Sorghum Belt in Bay and Bakool Region - rainfed sorghum with livestock production.

Somalia’s Protracted Crisis

Two decades of conflict have created a situation of protracted and complex emergency, which has eroded livelihoods and led to increased vulnerability to food insecurity. In the midst of one of the world’s worst humanitarian crises, hunger and malnutrition are some of the major causes of suffering for significant sections of the population.

Due to on and off armed conflict, natural disasters, such as floods and drought, disease outbreaks, and very limited access to basic services and humanitarian space, some Somali households increasingly face challenges to maintain a food secure and well-nourished household. As a result, agriculture has suffered the most. Poor rains in this semi-arid nation have also often contributed to poor harvests and significant cereal shortfalls.

Reduced access to quality health care, education services, and poor childcare practices are direct results of the conflict. As a result, Somalia also has some of the world’s highest levels of malnutrition according to World Health Organization standards.

The main shocks reported by interviewed households included dry spells, high food prices, sickness or death of household members, loss of income, pests and diseases affecting both crops and livestock, and high fuel prices. > Somalia’s food-security situation remains dire, with 3.5 million people expected to face high levels of acute food insecurity through the end of 2021. In addition, 1.2 million children under 5 are likely to be acutely malnourished, including nearly 213 400 who are likely to be severely malnourished by July 2022.

Poor rains have resulted in lower-than-average Gu crop yields in the south and poor harvest prospects in north-west agro-pastoral livelihood zones (Food Security and Nutrition Analysis Unit [FSNAU] and Famine Early Warning Systems Network [FEWS NET], 2021).
More than half of crop-producing households reported decreased production during the Gu season compared to a typical year.

Drought continues to ravage the country. After two failed growing seasons due to pasture and water shortages, drought is likely to persist through the Deyr (rainy) season, which lasts from October to December (FAO, 2021a; Intergovernmental Panel on Development – Climate Prediction and Application Center [ICPAC], 2021a;
ICPAC, 2021b).

Conflict and insecurity remain prominent: 574 000 displacements occurred in 2021 alone, of which 413 000 were due to conflict, aggravating preexisting vulnerabilities (Office of the United Nations High Commissioner for Refugees [UNHCR], 2021a.

Difficulties reported by crop-producing households included inadequate water for irrigation, plant pests and diseases, lack of insecticides, low seed quality, crop loss and damage and lack of farm inputs including seeds, fertilizer and equipment.

Difficulties with crop sales included: low farm-gate prices; reduced demand; high marketing costs induced by increased transportation costs; crop damage and loss (due to flooding and withering); and difficulty processing produce.

Livestock production challenges included: constrained access to pasture and water, pests and diseases, limited access to veterinary services; high cost of feed; a lack of market access and conflict or insecurity.

Livestock-producing households reported low prices for their production, reduced demand, difficulties accessing slaughterhouses and high marketing costs. Reduced prices can be attributed to emaciated livestock as a result of inadequate pasture and water resources (FAO, 2021a).

Among fishing households, 31 percent reported decreased production compared to the previous year. The most frequently reported challenges included restrictions related to the COVID-19 pandemic, difficulties accessing fishing inputs and labour, challenges finding fish and high fuel prices.

Household Dietary Diversity Scores indicated that 22 percent of households had consumed 5–12 food groups in the previous 24 hours, 44 percent had consumed 3–4 food groups and 34 percent had consumed 0–2 food groups.

In the 30 days preceding the survey, 19 percent of respondents employed Stress-level coping strategies, 45 percent engaged in Crisis-level coping strategies, and 24 percent resorted to Emergency-level coping strategies.

Based on the Food Insecurity Experience Scale (FIES), 47 percent of respondents experienced moderate or severe food insecurity, and 17 percent experienced severe food insecurity. According to Integrated Food Security Phase Classification (IPC) thresholds for the FIES, 34 percent had scores in line with Crisis (IPC Phase 3) or Emergency (IPC Phase 4) levels of food insecurity.

Ninety-four percent of respondents expressed the need for assistance. Major needs included inputs, veterinary services, water for irrigation, cash, assistance with livestock production, marketing support, storage facilities, land access and rehabilitation, and information on how to minimize COVID-19 infections.

So I would like to  recommend   (Mohamed Ibrahim) 

To ensure that agricultural policies and public investment give priority to food production and nutrition and increase the resilience of local and traditional food systems and biodiversity, with a focus on strengthening sustainable smallholder food production, reducing post-harvest losses, increasing post-harvest value addition, and fostering smallholder-inclusive local, national and regional food markets including transportation, storage, and processing.

To ensure that public policies and investment play a catalytic role in the formation of partnerships among agricultural investors, including private-public, farmer co-operative-private, and private-private partnerships, to ensure that the interests of smallholders are being served and preserved by those partnerships, and recognize that, in many cases, the State has a crucial role to play in facilitating access of smallholders to credit, technical and extension services, insurance, and markets.

To  Encouraged governments and other stakeholders to report to the Committee as determined in the framework of ‘Mapping food security actions at country level’, on actions being taken to align international and domestic private and public investment in agriculture with food security concerns, including progress made in the implementation of the recommendations above, and to share lessons learned from national experiences. This reporting should be prepared in the context of a multi-actor forum that replicates at the country level the inclusive vision of the new CFS.

To Actively involve organizations representing smallholders and agricultural workers in the formulation, implementation, and evaluation of policies for investment in agriculture, and in the design of investment programs in agriculture and food value chains.

THANK YOU FOR YOUR READING!

Mohamed Ibrahim Mohamed

WAXYAABAHA SHEEGAYA IN AY ILBANIMADU KUGU YARTAHY

 Waxyaabaha sheegaya in ay ilbaxnimadu kugu yartahay :-

1- Saaxiibadaada ayaa aad necbaysataa markii ay kugu waafaqi waayaan fikirkaaga.
2- Dadka ayaa aad waydiisa qiimaha ay mushaar ahaan u qaataan.
3- Dakhligaaga/Hantidaada ayaa aad ka shekeeysaa.
4- Markaa aad ku hadlayso taleefankaaga waxaa ku maqla dad aad kaaga fog, sidaa oo kalena sameecadda kore ayaa aad kala hadashaa qofka adiga oo aan waydiin in uu raalli ka yahay.
5- Si caro/xanaaq leh ayaa aad ula dhaqantaa dadka ka shaqeeya goobaha ay ku badantahay bulshadu, sida maqayadaha iwm.
6- Dadka iintooda iyo meesha ay ka liitaan ayaa aad kula kaftantaa.
7- Waxaa aad soo bandhigtaa waxyaabaha aad dheertahay dadka kale, adiga oo ku diganaayo.
8- Waxa aad ku qososhaa qof doonaya in uu ku saxo .
9- Waxa aad dhayalsataa nadiifinta afkaaga.
10- Askarta ayaa aad la murantaa adiga oo diidaya isu dhul dhigga sharciga ah.
Baraafuunka kuu marsan waxaa laga soo uriyaa seddex tallaabo ka fog, "Waa in aan la urin caraftaada illaa laguu so dhawaado moyee." Sow ma ogid dadka qaar ayaa carafta ku qaba xasaasiyad oo ay dhibaysaa.

HAADII AAD SANADKAAN CUSUB QORSHE CUSUB DEJINEYSID

 Haddii aad sannadkan cusub qorshe cusub dejisanaysid:

1. Dadku isku mid ma wada aha ee taada ku salee. Nebigu SCW wuxuu yidhi qofba wixii loo abuuraa loo fududeeyay. Raadi waxa aad ku fiican tahay oo xoogga saar ka midhadhalintiisa.
كل ميسر لما خلق له.
Ha isku hawlin ku dayashada dad kale oo samaynaya wax aadan ka bixi karin ama aadan niyad iyo nafsad u hayn.
Maxaad leedahay awooddiisi? Kartidiisi? Haleelkiisi?
2. Ku dedaal wixii dheef kuu leh ee ku anfacaya adduun iyo aakhiro. Alle kaalmayso, hana ka caajisin.
احرص على ما ينفعك، واستعن بالله، ولا تعجز.
Yaraantu waa nimco ee ka faa’iidayso. Dad yaraantoodi is-habeeyay oo shaqadooda marka ay ka soo baxaan halkan ku nafisa, dhiggood ha ismoodin waqtigaagana halkan ha ku lumin. Doodaha madhalayska ah iyo qof dhalinyaro ahi isuma fiicna ee faraha kala bax.
“Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye”
—Salaan Carrabey.
3. Saddex xaq baa ku saaran: xaqa Alle, xaqa naftaada, xaqa abuurta Alle. Mid walba intii aad awooddid ka oofi.
“إنَّ لِرَبِّكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولِنَفْسِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولأَهْلِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، فَأَعْطِ كُلَّ ذِي حَقٍّ حَقَّهُ"
Waxqabadkii guud ayaa beryahan inagu yaraaday. Dantii gaarka ahayd baa intii badnayd loo wada jeestaye, ku dedaal inaad samaysatid ama ka qaybgashid mashruuc waxqabad dan guud. Jidka aad maraysid oo aad dhib yaallay ka leexisid waa wax weyn. Inaadan qashin ku tuurinna waa masuuliyad ku saaran.
لا تحقرن من المعروف شيئا.
4. Wax yar oo aad joogtaysid baa ka fiican wax badan oo aad joojisid muddo yar ka dib.
خير الاعمال ادومها وان قل.
5. Xilli fidno ayaa lagu jiraa, ee sida cudurrada jidhka la isaga tallaalo, kuwa fekerkana iska tallaal oo ka digtoonow in aafo laguu qurxiyay ay aakhiradaada ku seejiso. Kitaabka Alle akhrintiisa, fahankiisa, iyo ku dhaqankiisa wax gaadhaa ma jiraan. Kun buug oo “fikri” ah isagaa ka dheef badan.
ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ

KULAMADA BULSHADA

 KULAMADA BULSHADA…

Markii aad qof ama koox gaar ah goob kula sheekeysaneyso, fadlan qodobbadan soo socda aad uga taxaddir:-
1. Sheekada ha lagu furfurto mahadnaqa Eebbe SWT iyo salliga Nabiga CSW.
2. Maanta oo dhan keligaa ha hadlin ee dadka kale fursad sii.
3. Qofkii hadlaba ha ku soo boodin oo hadalka haka dhex gelin ee sug inta uu markiisa ka dhammeysanayo.
4. Ra’yigaaga dadka ha ku qasbin. Taas beddelkeeda, si deggan oo ay aqoon iyo xikmadi ku dheehan tahay uga dhaadhici. Haddii lagaa diidana dhib ha u arag.
5. Qofka hadlaya si fiican u dhageyso oo xitaa wajigiisa eeg, ogow waa ixtiraam weyn.
6. Qodobka laga doodayo ha baal-marin ee marba mawduuc/dood cusub ha abuurin. Isku day in aad ku ekaato wixii laga wada hadlayay.
7. Inta la wada joogo, aad isaga ilaali in aad moobeylkaaga ku mashquusho.
8. Haddii uu taleefan muhiim ahi kuu soo dhaco, dadka dhexdooda ha ku qaban ee ka idan-qaado, keddibna ka yara fagow agtooda.
9. Haddii aad makhaayad/hotel fadhiseen, qarahsaadka soo baxa yaanan hal qof looga kala dhuuman ee dhexda ha lagu wada dhufsado. Cidna wax culeys ah dareemi doonto.
10. Maadaama aad bulsho dhex joogto, jirkaaga, dharkaaga iyo afkaagu intaba nadiif ha kuu ahaadeen.

The History of RRA/ Taariikhda RRA by Mohamed Ibrahim gedjecel

 REEWIN RESISTANCE ARMY (RRA). By Mohamed gedjecel

 The first Reewin armed faction to emerge during the Somali civil war, The RRA was founded in a shir (assembly) at Jhaffey, west of Baidoa, on 13 October 1995.

 Col. Hassan Mohamed Nur, “Shaargaduud” (Red Shirt) was elected chair, and an executive committee composed of officers, traditional leaders, religious leaders, and intellectuals was established. The formation of the RRA was triggered by the invasion of Baidoa by Mohamed Farah Aideed’s militia on 17 September 1995, which overthrew the local government, the Digil-Mirifle Supreme Governing Council, established in March 1995. 

Aideed completed the occupation of Reewin land by capturing Huddur in the Bakool region. The RRA’s first major task was to recruit, train, and arm young Reewin men and women. Former officers supervised the training and all Reewin clans contributed men, arms, and money. Early in 1996, the RRA attacked the more important installations held by Aideed in Huddur and Baidoa. 

When reconciliation efforts, especially the Sodere Declaration and Cairo accords, failed after the death of Aideed in a street fight and the succession of his son, “Aideed Junior,” the RRA insisted that it would not negotiate with those who occupied Reewin land. In October 1998, the RRA liberated Huddur and, by early November, Aideed’s militia had retreated to Baidoa. 

This victory consolidated the RRA’s military and political status locally and internationally.

 On 6 June 1999, the RRA liberated Baidoa and continued to fight against Aideed forces in the Lower Shabelle region. 

However, the Arta Reconciliation Conference of May-August 2000, which established a transitional national government, suspended further RRA military action. Nevertheless, within a few months, the RRA broke away from the Arta agreements and began to work toward the establishment of an autonomous state. 

Writer: Mohamed Ibrahim Mohamed(gedjecel)

Beeraleydu waxa ay ka ciyaarta doorka ugu wayn,

 Beeraleydu waxa ay ka ciyaarta doorka ugu wayn, uguna cad horumarka iyo tisqaadka bulsheed ee dhinaca wax-soosaarka beeraha, waana dadka baahida ugu wayn u qaba in ay siyaasadda dawlada ee dhinaca beeruhu ay wanaagsanaato, si loo gaadho sugnaansho xaga cuntada ah.

Hadaba, bulshadaas carrada faraha gelisay waxa jira dhibaatooyin dhawr ah oo ku gedaaman, kana hortaagan in ay horumariyaan waxsoosaarkooda, kamase hadlayno dhamaantood, waxaynuse qormadan ku soo qaadanaynaa sumaha kala duwan ee loo isticmaalo beeraha oo dhibaato wayn oo ah kala saaridooda/kala-garashadooda iyo sun kasta waxa loo isticmaalo ay ka haysato beeralayda.
Sumaha beeraha lagu buufiyo, kuwa la ursiiyo ee hawada saaqa, kuwa waraabka la raaciyo iyo kuwa carrada lagu aasaba looguma talo-galin idilkood in lagaga hortago ama lagu daweeyo cuddurrada dhirta ku dhaca oo kaliya, balse waxa jira noolayaal tiro-beel ah oo siyaabo kala duwan waxyeelo ugu gaysta dalaga, waxaana ka mid ah; Shimbiraha, rudhayaasha, cayayaanka, haramaha, xayawaanada, dullinada iyo cudurrada iwm. Dhamaan noolayaashan aynu kor ku xusnay dawooyinka lagula dagaalamo waxa la isku yidhaahdaa hal magac oo ah "Pesticides".
Halkan hoose ka akhriso sun/dawooyinka magacyadooda iyo waxyaabaha lagula dagaalamo ama loo isticmaalo.
1. Herbicides: Waa sumaha lagula dagaalamo haramaha iyo dhirta aan loo baahnayn.
2. Insectcides: Waa sumaha lagula dagaalamo cayayaanka.
3. Avicide: Waa sumaha lagula dagaalamo shimbiraha.
4. Rodenticide: Waa sun kasta oo lagula tacaalo rudhayaasha sida jiirka, bakaylaha soongurka, iyo shurunshuurka/kabashiirka iwm.
5. Molluscicides: Sumaha lagula dagaalamo xaaxeeyada noocyadeeda kala duwan.
6. Bactericide: Sumaha lagula dagaalamo bakteeriyada cudurrada keenta.
7. Fungicide: Kuwa lagaga hortago, laguna daweeyo fangiyada.
8. Nematicide: kuwa lagaga hortago dirxiga wareegsan ee ili-maqabatayga ah.
9. Protozoacide: Sumaha lagu daweeyo borotusuwaha.
10. Virucides: Dawooyinka loo sameeyey in lagaga hortago fayrasyada.
11. Viriodicides: Sumaha lagula dagaalamo fiirooydhisyada (Hadii ay jiraan).
12. Virusiodicides: Kuwa lagaga hortago fiirosaydhisyada (Hadii ay jiraan).
13. Algaecides: Kuwa lagula dagaalamo saaruuqda biyaha/xayaabada biyaha, kuwooda cudurrada keena.
Dawooyinkan iyo sumahan aynu kor ku soo xusnay ma dhama, balse intan ayaa ugu muhiimsan, waxaana la isticmaali karaa uun marka laga maarmi waayo ama ay soo xidhmaan oo ay shaqayn waayaan hababka kale ee lagula dagaalamo waxyaabaha dhibaateeya dalaga la beerto, sun kastana waxay ku haboon tahay in loo isticmaalo wixii loogu talo galay; tusaale:
Beertayda galleyda ka baxday waxa ku dhacay cudurka daxaleeyaha "Common Rust of Maize" oo uu keeno fangi la yidhaahdo "Puccinia sorghi", halkii aan ka doonan lahaa sumaha ay ka midka yihiin Mangcozeb, Pyraclostrobin iyo Prothioconazole oo loogu talogalay in lagu daweeyo daxaleeyaha ma doorbidayo in aan isticmaalo dawo loogu talogalay in lagula dagaalamo bakteeriyada "Erwinia chrysanthemi" oo, badanaa keenta cudurka jirrid qudhunka "Stalk Rot of Maize".
Fiiro gaar ah: qoraalkan waxa igu kalifay in aan qoro, ka dib markii uu qof beeraley ah ila wadaagay dawo looga iibiyey in uu ku buufiyo beerta si uu cayayaanka uga cidhibtiro, balse dawadu ahayd mid loogu talogalay in lagu baabiiyo fangiyada.
Ummada dhibta ka daaya ayaanu leenahay dadka noocaas ah ee sumaha ka ganacsada, idinkuba marka kaneeco idin hesho ambasaliin ma liqdaane.
Mohamed Ibrahim Mohamed
Friday, March 19th, 2021
Jimce wanaagsan
May be an image of 1 person and waterfall

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel