KULAMADA BULSHADA

 KULAMADA BULSHADA…

Markii aad qof ama koox gaar ah goob kula sheekeysaneyso, fadlan qodobbadan soo socda aad uga taxaddir:-
1. Sheekada ha lagu furfurto mahadnaqa Eebbe SWT iyo salliga Nabiga CSW.
2. Maanta oo dhan keligaa ha hadlin ee dadka kale fursad sii.
3. Qofkii hadlaba ha ku soo boodin oo hadalka haka dhex gelin ee sug inta uu markiisa ka dhammeysanayo.
4. Ra’yigaaga dadka ha ku qasbin. Taas beddelkeeda, si deggan oo ay aqoon iyo xikmadi ku dheehan tahay uga dhaadhici. Haddii lagaa diidana dhib ha u arag.
5. Qofka hadlaya si fiican u dhageyso oo xitaa wajigiisa eeg, ogow waa ixtiraam weyn.
6. Qodobka laga doodayo ha baal-marin ee marba mawduuc/dood cusub ha abuurin. Isku day in aad ku ekaato wixii laga wada hadlayay.
7. Inta la wada joogo, aad isaga ilaali in aad moobeylkaaga ku mashquusho.
8. Haddii uu taleefan muhiim ahi kuu soo dhaco, dadka dhexdooda ha ku qaban ee ka idan-qaado, keddibna ka yara fagow agtooda.
9. Haddii aad makhaayad/hotel fadhiseen, qarahsaadka soo baxa yaanan hal qof looga kala dhuuman ee dhexda ha lagu wada dhufsado. Cidna wax culeys ah dareemi doonto.
10. Maadaama aad bulsho dhex joogto, jirkaaga, dharkaaga iyo afkaagu intaba nadiif ha kuu ahaadeen.

No comments:

Post a Comment

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel