HAADII AAD SANADKAAN CUSUB QORSHE CUSUB DEJINEYSID

 Haddii aad sannadkan cusub qorshe cusub dejisanaysid:

1. Dadku isku mid ma wada aha ee taada ku salee. Nebigu SCW wuxuu yidhi qofba wixii loo abuuraa loo fududeeyay. Raadi waxa aad ku fiican tahay oo xoogga saar ka midhadhalintiisa.
كل ميسر لما خلق له.
Ha isku hawlin ku dayashada dad kale oo samaynaya wax aadan ka bixi karin ama aadan niyad iyo nafsad u hayn.
Maxaad leedahay awooddiisi? Kartidiisi? Haleelkiisi?
2. Ku dedaal wixii dheef kuu leh ee ku anfacaya adduun iyo aakhiro. Alle kaalmayso, hana ka caajisin.
احرص على ما ينفعك، واستعن بالله، ولا تعجز.
Yaraantu waa nimco ee ka faa’iidayso. Dad yaraantoodi is-habeeyay oo shaqadooda marka ay ka soo baxaan halkan ku nafisa, dhiggood ha ismoodin waqtigaagana halkan ha ku lumin. Doodaha madhalayska ah iyo qof dhalinyaro ahi isuma fiicna ee faraha kala bax.
“Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye”
—Salaan Carrabey.
3. Saddex xaq baa ku saaran: xaqa Alle, xaqa naftaada, xaqa abuurta Alle. Mid walba intii aad awooddid ka oofi.
“إنَّ لِرَبِّكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولِنَفْسِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولأَهْلِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، فَأَعْطِ كُلَّ ذِي حَقٍّ حَقَّهُ"
Waxqabadkii guud ayaa beryahan inagu yaraaday. Dantii gaarka ahayd baa intii badnayd loo wada jeestaye, ku dedaal inaad samaysatid ama ka qaybgashid mashruuc waxqabad dan guud. Jidka aad maraysid oo aad dhib yaallay ka leexisid waa wax weyn. Inaadan qashin ku tuurinna waa masuuliyad ku saaran.
لا تحقرن من المعروف شيئا.
4. Wax yar oo aad joogtaysid baa ka fiican wax badan oo aad joojisid muddo yar ka dib.
خير الاعمال ادومها وان قل.
5. Xilli fidno ayaa lagu jiraa, ee sida cudurrada jidhka la isaga tallaalo, kuwa fekerkana iska tallaal oo ka digtoonow in aafo laguu qurxiyay ay aakhiradaada ku seejiso. Kitaabka Alle akhrintiisa, fahankiisa, iyo ku dhaqankiisa wax gaadhaa ma jiraan. Kun buug oo “fikri” ah isagaa ka dheef badan.
ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ

1 comment:

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel