Beeraleydu waxa ay ka ciyaarta doorka ugu wayn,

 Beeraleydu waxa ay ka ciyaarta doorka ugu wayn, uguna cad horumarka iyo tisqaadka bulsheed ee dhinaca wax-soosaarka beeraha, waana dadka baahida ugu wayn u qaba in ay siyaasadda dawlada ee dhinaca beeruhu ay wanaagsanaato, si loo gaadho sugnaansho xaga cuntada ah.

Hadaba, bulshadaas carrada faraha gelisay waxa jira dhibaatooyin dhawr ah oo ku gedaaman, kana hortaagan in ay horumariyaan waxsoosaarkooda, kamase hadlayno dhamaantood, waxaynuse qormadan ku soo qaadanaynaa sumaha kala duwan ee loo isticmaalo beeraha oo dhibaato wayn oo ah kala saaridooda/kala-garashadooda iyo sun kasta waxa loo isticmaalo ay ka haysato beeralayda.
Sumaha beeraha lagu buufiyo, kuwa la ursiiyo ee hawada saaqa, kuwa waraabka la raaciyo iyo kuwa carrada lagu aasaba looguma talo-galin idilkood in lagaga hortago ama lagu daweeyo cuddurrada dhirta ku dhaca oo kaliya, balse waxa jira noolayaal tiro-beel ah oo siyaabo kala duwan waxyeelo ugu gaysta dalaga, waxaana ka mid ah; Shimbiraha, rudhayaasha, cayayaanka, haramaha, xayawaanada, dullinada iyo cudurrada iwm. Dhamaan noolayaashan aynu kor ku xusnay dawooyinka lagula dagaalamo waxa la isku yidhaahdaa hal magac oo ah "Pesticides".
Halkan hoose ka akhriso sun/dawooyinka magacyadooda iyo waxyaabaha lagula dagaalamo ama loo isticmaalo.
1. Herbicides: Waa sumaha lagula dagaalamo haramaha iyo dhirta aan loo baahnayn.
2. Insectcides: Waa sumaha lagula dagaalamo cayayaanka.
3. Avicide: Waa sumaha lagula dagaalamo shimbiraha.
4. Rodenticide: Waa sun kasta oo lagula tacaalo rudhayaasha sida jiirka, bakaylaha soongurka, iyo shurunshuurka/kabashiirka iwm.
5. Molluscicides: Sumaha lagula dagaalamo xaaxeeyada noocyadeeda kala duwan.
6. Bactericide: Sumaha lagula dagaalamo bakteeriyada cudurrada keenta.
7. Fungicide: Kuwa lagaga hortago, laguna daweeyo fangiyada.
8. Nematicide: kuwa lagaga hortago dirxiga wareegsan ee ili-maqabatayga ah.
9. Protozoacide: Sumaha lagu daweeyo borotusuwaha.
10. Virucides: Dawooyinka loo sameeyey in lagaga hortago fayrasyada.
11. Viriodicides: Sumaha lagula dagaalamo fiirooydhisyada (Hadii ay jiraan).
12. Virusiodicides: Kuwa lagaga hortago fiirosaydhisyada (Hadii ay jiraan).
13. Algaecides: Kuwa lagula dagaalamo saaruuqda biyaha/xayaabada biyaha, kuwooda cudurrada keena.
Dawooyinkan iyo sumahan aynu kor ku soo xusnay ma dhama, balse intan ayaa ugu muhiimsan, waxaana la isticmaali karaa uun marka laga maarmi waayo ama ay soo xidhmaan oo ay shaqayn waayaan hababka kale ee lagula dagaalamo waxyaabaha dhibaateeya dalaga la beerto, sun kastana waxay ku haboon tahay in loo isticmaalo wixii loogu talo galay; tusaale:
Beertayda galleyda ka baxday waxa ku dhacay cudurka daxaleeyaha "Common Rust of Maize" oo uu keeno fangi la yidhaahdo "Puccinia sorghi", halkii aan ka doonan lahaa sumaha ay ka midka yihiin Mangcozeb, Pyraclostrobin iyo Prothioconazole oo loogu talogalay in lagu daweeyo daxaleeyaha ma doorbidayo in aan isticmaalo dawo loogu talogalay in lagula dagaalamo bakteeriyada "Erwinia chrysanthemi" oo, badanaa keenta cudurka jirrid qudhunka "Stalk Rot of Maize".
Fiiro gaar ah: qoraalkan waxa igu kalifay in aan qoro, ka dib markii uu qof beeraley ah ila wadaagay dawo looga iibiyey in uu ku buufiyo beerta si uu cayayaanka uga cidhibtiro, balse dawadu ahayd mid loogu talogalay in lagu baabiiyo fangiyada.
Ummada dhibta ka daaya ayaanu leenahay dadka noocaas ah ee sumaha ka ganacsada, idinkuba marka kaneeco idin hesho ambasaliin ma liqdaane.
Mohamed Ibrahim Mohamed
Friday, March 19th, 2021
Jimce wanaagsan
May be an image of 1 person and waterfall

No comments:

Post a Comment

Mohamed gedjecel

Sidee loo Isticmaali karaa ChaTgpt adoo jooga soomaliaa

  Sidee ChaTgpt looga isticmaali karaa wadamada africa sida somalia ama ethiopia. INTRODUCTION(Hordhac)   What is ChaTgpt?    Waa maxay ChaT...

Mohamed gedjecel